Wefti uu Hogaaminayo Wasiir Gaafaadhi Oo Kormeer ku tegey Deegaanada Xeebta Gobolka Selel iyo Jasiirada Saacadadiin

Weftigan uu Hogaaminayo Wasiirka Wasaarada Horumarinta khayraadka Badda , Kaluumaysiga iyo Xanaanada Xoolaha JSL Md Xasan Maxamed Cali Gaafaadhi ayaa kormeer ku tegey deegaanada xeebta gobolka Selel ee magaalada Saylac .

Waxana Ujeedada kormeerkan shaqo ee wasiirku kusoo maray deegaano badan oo ku teedsan xeebta gobolkaasi selel uu daarnaa sidii uu xogogaal ugu noqon lahaa Xaalada dhabta ah ee ay ku sugan tahay kaluumaysatada gobolkaasi selel gaar ahaan kuwa magaalada Saylac , Isagoona Wasiirku kormeerkiisan midmid isu dul taagay goobaha loogu talo galay qaboojinta iyo hagaajinta Kaluunka iyo weliba mashaariic horumarineed oo loogu talo galay kaabista adeegyada kaluumaysatadu u baahan tahay .

Wuxuna warbixino kala duwan kaga dhagaystay masuuliyiinta hay’ada Fair Fishing oo iminka gacanta ku haysa xarunta baraf dhaliyaha iyo qaboojinta kaluunka ee magaaladaasi Saylac , wuxuna kula dardaarmay inay dardar geliyaan hawl usocodka shaqada kaluumaystada gobolka wakhtigani ay u hayaan .

Sido kalena wuxu wasiirku sheegay in xaruntani kaydinta iyo qabojinta kaluunka ee magaalada saylac maadaama oo hay’adaasi fair fishing ay gacanta ku kahaysay muddo ay markaasi xukuumadu la wareegi doonto .

Halka geesta kalena uu wasiirka wasaarada kaluumaysiga ,khayraadka badda iyo xanaanada xoolaha JSL kulan is xog waraysiya la qaatay iskaashatada kaluunka Tawakal ee Gobolkaasi selel isagoona kula dardaarmay inay laban laabaan dedaalka buu yidhi loogu jiro in la taabo geliyo qorshaha waxsoosaarka iyo kafaa’iidaysiga khayraadka badda Dalkani JSL .

Waxana weftigan hogaaminayo Wasiirka Khaluumaysiga Iyo Xanaanada Xoolaha JSL Md Xassan Maxamed Cali Gaafaadhi wuxu kulan Albaabadu u xidhnaayeen la yeeshay Maamulka Gobolka Selel oo ay kamid yihiin Gudoomiyaha Gobolkaasi , Taliyaha Ciidamada Badda ee gobolka Isuduwaha Xanaanada Xoolaha iyo kaluumaysiga ee Gobolka .

Waxayna kulankaasi diirada ku saareen sidii ay wada shaqayn buuxda u wada yeelan lahaayeen maamulka heer Gobol heer Degmo , Ciidanka Ilaalada Xeebaha ee Gobolka , Iyo iskaashatada kuluumaysatada gobolka .

Intaasi kadib weftigan hogaaminayo Wasiirka Khaluumaysiga Iyo Xanaanada Xoolaha JSL Md Xassan Maxamed Cali Gaafaadhi oo ay kamid yihiin Agaasimaha Guud Ee Wasaarada Xanaanada Xoolaha Cali Xuseen Nuur Iyo Saraakiil Sare oo ka tirsan Khaluumaysiga Iyo Xanaanada Xoolaha waxay kormeerkoodan kusoo mareen degaanada Lughaya , Saba-wanaag , Ceel-sheek iyo Bullo-xaar oo dhawaan ay xoolihii ka madhisay duufaantii xooga badnayd ee ka dhacday gobolada Selel iyo Awdal .

Waxayna weftigu xoolo dhaqatada deegaanadaasi kala sheekaysteen qaabkii ay ugu sheqeeyeen kooxihii caafimaadinta xoolaha ee wasaaradu usoo dirtay deegaanadan iyagoo dadweynaha deegaankaasina xaalada guud ee caafimaadka xoolahana kaga war bixiyay inay haatan wanaagsan tahay .

 

Facebook Comments

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*