Tirada dadkii ku dhintay dhul go’o saameeyay Itoobiya oo sara u kacday

Dowlada Itoobiya ayaa sheegtay in illaa iyo hadda ugu yaraan 32 qof ay ku dhinteen dhul go’o laga soo tabiyay koonfurta gobolka Oromiya.
Dhacdadaasi ayaa waxaa sababay roobab lixaad leh oo halkaasi ka da’ay maalmo ka hor.
Bayaan ka soo baxay xafiiska arrimaha isgaarsiinta ee Itoobiya ee (GCAO) ayaa lagu sheegay in sagaal qof ay ku dhinteen dhinaca Gamo Gofa halka 17 kalena la dhaawacay.
Axadii ayay ahayd markii warbaahinta maxaliga ee Fana ay soo tabisay in 23 qof ay dhinteen , 6 kalena ay dhaawacyo soo gareen.

Facebook Comments

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*