Maraykanka oo qaramada midoobay ka codsaday inay xayiraad saarto 6 sarkaal oo u dhashay suudaanta koonfureed

Dowlada Maraykanka ayaa golaha amniga ee qaramada midoobay u soo jeediyay inuu cunaqabateyn ku soo rogo 6 sarkaal oo kale oo ka mid ah xukuumada Juba ee suudaanta koonfureed.
Arrintan ayaa imaaneysa kadib markii golaha UNSC uu xayiraad saaray wasiirka gaashaandhigga ee xukuumadaasi Kuol Manyang Juk.
Wasiirka ayaa lagu eedeyay inuusan u hoggaansamin amarkii la xiriiray xabad joojinta.
Goolaha UNSC ayaa sheegay in xasaradda ka taagan wadankaasi ay sii hurinayaan madaxda qaar.
Heshiishka xabad joojinta ee aanan la tixgelin ayay dowlada iyo kooxaha ka soo horjeedo wada gareen sanadii 2017-kii.
Golaha amniga ee qaramada midoobay ayaa Mr Juk ku eedeyay inuu tageero militari siiyay ciidamada SPLM/A-N, si ay u weeraraan fallagalada Pagak.
Maraykanka ayaa doonayo in 6 sarkaal oo dheeraad ah laga mamnuuco safarada dibadda hantidoodana la xannibo.
Golaha amniga ee jimciyada qurumaha ka dhexeysa ayaa berri oo talaado ah kulan yeelanaya si uu u eego soo jeedinta Maraykanka.
Mas’uuliyiinta uu Maraykanka farfiqiay waxaa ka mid ah Martin Elia Lomuro, wasiirka warfaafinta Michael Makuei, madaxii hore ee ciidamada difaaca Paul Malong iyo ku xigeenkiisi Malek Reuben.

Facebook Comments

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*