Madaxweynaha somaliland Md Muuse Biixi Cabdi ayaa salaadii ciidal fidriga la tukaday boqolaal ka mid ah shacabka magaalada Hargeysa.

Madaxweyne Muuse Biixi oo khudbad kooban jeediyey ka dib salaada ayaa si weyn uga hadlay nabada iyo wanaaga ay leedahay.

Madaxweynah Muuse Biixi ayaa sheegay inay somaliland nabad kula dhaqmayso caalamka iyo wadamada jaarka la ah waxaanu yidhi “Hadaynu nahay somaliland caalamka oo dhan waxaynu kula dhaqmaynaa wanaag iyo nabad, wixii dhexdeena ee khilaaf ahna waxaynu ku dhamaysanaynaa nabad, bina aadanku meel uu joogana wuu is khilaafaa waxaanu ku dhamaystaa wada hadal iyo nabad, Dalalka jaarka ah nabad ayeynu ugu baaqaynaa, dunida oo dhana nabad ayeynu kula dhaqmaynaa, wixii khilaaf naga dhaxeeyo dawlad ahaana nabad ayaanu ugu baaqaynaa, colaad iyo tafaraaruq midna kuma jirno.”Madaxweyne Muuse ayaa ugu horayn hadalkiisa ku bilaabay duco waxaanu yidhi “Ilaahay waxaynu ka magan galnay cudur, caydh iyo colaad, ilaahayna waxaynu ka baryeynaa nabad, caafimaad iyo barwaaqo, ilaahow abaartii waad naga jabisay oo nimco ayaad na siisay, nimco aan nusqaan lahayn, roob aan dabayl lahayn oo danab lahayn oo na dajiya ayaanu kaa barinay.”

Madaxweyne Muuse Biixi oo ka sii hadlaya muhiimada nabada ayaa waxa uu yidhi “Gayiga geeska Afrika maanta colaad uma baahna, dagaalo iyo colaad soomaali way ka soo daashay, somaliland nabad ayey ku dhaqantay oo ay ku dhisantay dariskeedana nabad ayey ugu dhawaaqaysaa, gudaheedana nabad ayey ku dhamaynaysaa wixii khilaaf ah ee jira.”

Facebook Comments

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*