Madaxweynaha dalka kenya oo khamiista hoggaamin doono munaasabad qaran oo wadanka loogu duceynayo

Maalinta khamiista ah ee toddobaadkan ayaa la qaban doonaa munaasabad qaran oo wadanka loogu duceynayo si uu Alle uga dulqaado dhibaatooyinka ka jira.
Hoggaamiyaha ugu sarreeya ee dalka Uhuru Kenyatta ayaa guddoomin doono xafladan sanadlaha ah.
Waxaa sido kale ka soo qeyb galaya madaxda kala duwan ee siyaasadeed, sarakiisha sar sare ee dowlada , madaxda diimaha iyo dibloomaasiyiin.
Waxaa fursad la siinayo siyaasiyiinta si ay u muujiyaan sida ay uga go’antahay ka shaqeynta danaha kenyaanka iyo midnimada qaran.
Madaxweyne Uhuru Kenyatta ayaa marar badan si joogta ah shacabka ugu baaqayay inay ku dadalaan nabadda oo ay dhinac isaga dhigaan khilaafka ku saleysan qablaayadda.

Facebook Comments

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*