Madaxweynaha dalka kenya iyo hogaamiyaasha mucaaradaka oo maanta munaasabad duco ah isku arkay

Madaxweynaha dalka Uhuru Kenyatta iyo hogaamiyaha mucfaaradka NASA Raila Odinga ayaa maanta mar kale cafis isweydistay ka dib markii ay isugu yimaadeen munaasabad duco ah oo loo sameynayay dalka taasi oo loogu magacdaray “National Prayer Breakfast.

Madaxweyne Kenyatta ayaa sido kale gacmaha u fidiyay hogaamiyaha Wiper Kalonzo Musyoka kana mid ah hogaamiyaasha sar sare ee garabka mucaaradka dalka.

Hogaamiyaha ugu sareeya ee dalka ayaa siyaasiyiinta ugu baaqay in ay iska fogeeyaan wax walba oo dhaawac u keen karaa dalka.

Sido kale madaxweyne ku xigeenka dalka Wiliam Ruto ayaa waxaa uu isgacan qaad dhexmaray Raila Odinga iyo Kalonzo Musyoka iyagoona cafis isweydistay.

Dhanka kale hogaamiyaha mucaaradka ee NASA Raila Odinga oo khudbad ka jeediyay halkii ay munaasabada maanta ka dhacaysay ayaa sheegay in ay la dagaalami doonaan musuqmaasuqa ka jiraa dalka.

Facebook Comments

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*