Madaxda Somalia oo munaasabada Salaada Ciidda ku Oogtay Masjidka Isbaheysiga

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa saaka Salaadda Ciidda kula tukaday kumannaan qof Masjidka Isbahaysiga Islaamka ayaa ku boorriyay shacabka Soomaaliyeed in ay muujiyaan midnimo, isu damqasho iyo is garab qabasho, lana shaqeeyaan hay’adaha amniga dalka si loola dagaalamo Al-shabaab.

Madaxweynaha ayaa uga mahadceliyay shacabka magaalada Muqdisho dulqaadka ay sameeyeen intii lagu jiray bisha barakeysan ee Ramadaan, wuxuuna ku bogaadiyay laamaha amniga sida ay qorraxda iyo dhaxanta ugu taagnaayeen in ay dhiigga shacabka Soomaaliyeed badbaadiyaan.

Boqolaal ka mid ah Shacbaka Muqdisho ayaa madaxda Qaranka kala qeyb galay Dukashada Salaadii Ciida ee maanta taas oo lagu dukaday Masjidka Isbaheysiga Islaamka.

Facebook Comments

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*