Dowlada Uganadha oo meesha ka saartay canshuur laga qaadi jiray baaybolka iyo quraanka

Baarlamaanka wadanka Ugandha ayaa xalay aqbalay soo jeedin uga timid dowlada dalkaasi oo ku saabsan in meesha laga saaro canshuurta laga qaado Baaybolka iyo kutubada quraanka.
Arrintan ayaa timid kadib qeyla dhaan ka soo yeertay madaxda diimaha oo sheegay in waxyaabaha ay dowladu doonayso inay canshuurto dadweynaha aqoon ahaan loogu faaiideyo.
Waxaa uu bilooyinkii la soo dhaafay ka dhex jiray maamulka Ugandha ee canshuuraha iyo madaxda kaniisadaha.
Muranka ayaa ka dhashay tallaabo ciidamada ay bishii saddaxaad ee sanadkan gacanta ugu dhigeen 9,120 oo baaybol ah.
Waxay sheegen in loo baahanyahay in canshuur laga qaado maadama laga iibiyay Kenya in kastoo arrinkaasi laga biya diiday.

Facebook Comments

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*