Agaasimaha dacwad oogista oo kenyaanka ka codsaday inay soo gudbiyaan macluumaadka ku saabsan fadeexada NYS

Agaasimaha waaxda dacwad oogista ee dalka Nuurdiin Xaaji ayaa shacabka kenyaanka ah u jeediyay codsi ah inay dowlada kala shaqeyaan sidii gacanta loogu soo dhigi lahaa cid waliba oo lunsatay lacagaha dadweynaha.
Waxaa uu carrabka ku dhuftay in qof kasta oo kenyaan ah oo haya macluumaad ku saabsan musuqmaasuqa looga fadhiyo inuu ku wargeliyo maamulada qaabilsan ee baritaanada sameynaya.
Hadalka mas’uulkan ayaa imaanaya iyadoo si weyn loo hadal hayo ugu yaraan 9 bilyan oo shilinka dalka ah oo la sheegay in laga lunsaday waaxda qaran ee adeega dhalinyarada ee NYS.
Eedeysanayaal fadeexaddaasi lala xiriirinayo ayaa maxkamada la geeyay waxayna iska fogeyeen eedeymaha loo soo jeediyay taasi oo keentay in maxkamada ay go’aamiso in maalmo dheeraad ah saldhigyada booliska lagu sii hayo.
Maalmo ka hor ayay ahayd markii Nuurdiin xaaji, agaasimaha waaxda dacwad oogista uu amar ku bixiyay in sida ugu dhaqsiyaha badan loo xiro eedeysanayaasha ku takriifalay kheyraadka shacabka loogu adeego.
Dhanka kale madaxweynaha dalka Uhuru Kenyatta ayaa maanta si adag uga hadlay falalka musuqmaasuqa ee sara u sii kacaya.
Waxaa uu ku nuuxnuuxsaday in tallabo sharciga waafaqsan laga qaadayo qof kasta oo lagu cadeeyo inuu boobay hantida dowlada.
Shacabka iyo siyaasiyiinta dalka ayuu ugu baaqay inaysan nin jecleysi , qablaayad iyo eexasho gelinin la dagaalanka musuqmaasuqa.

Facebook Comments

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*